Xukunno adag oo lagu riday dhallinyaro ku tacadiyay qoys kunool Boosaaso

Maxkamadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa xukunno adag oo xabsi ah ku riday dhallinyaro lagu helay in fal tacadi ah u geesteen qoys danyar ah oo kunool magaalada Boosaaso.

Dhallinyaradan xukunka lagu riday ayaa maxkamadda kahor qirtay dambiga ay galeen, waxa ayna ka codsadeen maxkamadda in ay cafis u fidiso, hasa ahaatee garsoorka maxkamadda ayaa ka diiday in la cafiyo.

Mid kamid ah dhallinyarada ayaa maxkamadda ku xukuntay lix sanno oo xarig ah , halka afarta dhallinyaro kale maxkamadda iyana ku riday min shan sanno oo xabsi ah sida garsoorka maxkamadda ku dhawaaqeen.

Dhallinyaradan xukunka lagu riday ayaa xilli habeen ah ku weeraray gurigooda qoys danyar ah, waxa ayna xilligaasi dhallinyarada qoyskan ka duubeen muuqaal iyaga oo ku tacadinaya qoyska, taa oo si weyn uga carroodeen bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -