Jabuuti oo lagu amray in aysan ka bixin Heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World

Maxkamadda sare ee dalka England ayaa ku amartay dowlada Jabuuti gaar ahaan Hay’ada u qaabilsan Dekadaha in aysan ka bixin heshiiskii ay horey ula gashay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Maxkamada ayaa sidoo kale ku amartay Maamulka Dekadaha Dalka Jabuuti in aysan shaqada ka eryin maamulayaasha  terminalka kontaynarrada ee Dekadda weyn ee Dooraale sidoo kale wax faro galin ah aysan ku sameyn shaqadooda.

Dowlada Jabuuti ayaa horey uga baxday heshiis sanado badan ku kacayay ay la gashay Shirkada laga leeyahay Imaaraadka ee DP World, waxa ayna arintan keentay in shirkada dacwad ka dhan ah heshiiska looga baxay ay Maxkamad ka furato.

Amarkan kasoo baxay Maxkamadda sare ee England ayaan la ogeyn sida uu u saameyn doono dowlada Jabuuti gaar ahaan maamulka Dekadaha, mana jiro ilaa hada war kasoo baxay dowlada Jabuuti oo ku aadan amarka kasoo baxay Maxkamada.

Jabuuti ayaa horey uga soo horjeesatay go’aanka kasoo baxay Maxkamadda dhex dhexaadinta caalamiga ah ee London oo horey u xukuntay in Heshiiska Shirkada DP World Jabuuti ka bixi karin, waxa ayna Jabuuti go’aankaasi  ku tilmaamay mid hal dhinac u janjeera kuna qanacsaneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -