Cudur halis ah oo ka dilaacay galbeedka Afrika iyo WHO oo war ka soo saartay

Heyadda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ku baaqay in la qabto kulan degdeg ah oo ku saabsan faafitaanka fayraska Marburg ee ku sii baahaya dalka Equatorial Guinea ee ku yaalla galbeedka Afrika

Sagaal qof ayaa u dhintey qandhada dhiigbaxa keenta, waxaana jira lix iyo toban kale oo kiis kuwaasoo looga shakisan yahay xanuunka kuna sugan gobolka bariga Kie Ntem, halkaasoo cudurka aan hore looga diwaangelin.

Dhimashada ayaa si toos ah ula xiriirta ka qaybgal aas, oo qoys afar ka koobani ay iyagu is qaadsiiyeen. Fayraskan ayaa rumaysan yahay inuu yahay mid halis ah, sida ebolaha oo kale taasoo dadku ay isku gaarsiiyaan in dheecanadoodu is gaadhaan.

Marburg virus waa xanuun aad u daran xumad, xubnaha indhaha ,afka ,dhegaha iyo xaga danbe uu qofku uu ka keenayo dhiig.

Waxa uu fayrusku uu ku dul noolyahay fiidmaarta si caadi ah, dadka waxa uu ugu soo gudbayaa marka ay quutaan cuntooyinka dhirta oo badanaa fiidmaartu ku dhex-nooshahay ama ay quudanayso.

Dadka u dhinta xumaddan dhiigga wadata waa 88%, fayraska waxa ay isku qoys-yihiin fayruska keena xanuunka ebola.

Waxa uu u faafaa si dhakhso leh, waxa lagu kale qaadaa taabasho toos ah tusaale gogosha, salaanta iyo taabashada tooska ah iyo ta aan tooska ahayn oo lala yeesho qof xanuunka qaba.

Xanuunkan waxa aad ka qaadaysaa qofka xanuunka qaba hadii dareeraha jirkiisu uu ku soo gaaro. Waxa uu ku jiraa jirka ama calaamadaha ku muujin karaa fayrusku 2–21 cisho.

Calaamadaha lagu garto marburg virus waxaa ka mid ah Qandho/Xumad aad u saraysa, Muruq xanuun saaid ah, Daal badan, Shuban aad u daran, Kaar uurku jirta ah, Mantag iyo yalaalugo, Dhiig kasoo baxa indhaha, sanka, dhagaha iyo dabada.

- Advertisement -