Shir uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya oo goordhaw ka furmay Muqdisho

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha culimada Soomaaliyeed oo uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Jahmuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya culumaa’udiin meelo kala duwan ka kala yimid.

Shirka culimada Soomaaliyeed uga furmay Muqdisho ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa doorka culimada ee la dagaallanka fikirka guracan ee Khawaarijta iyo caddeynta haboow-sanaantooda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan u furmay culimada Soomaaliyeed uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh diirada lagu saari doono inta uu socdo saddex qodob ee kala ah:

1. Sharciyad Ka Qaadista al-Shabaab: Sixida Fahamak Saxda ah ee Diinta
Islaamka.

2.Sharciyad Siinta Dawladda: Xukunka Islaamka iyo Dawladnimada Casriga
ah.

3. Dhisida Golaha Saree e Culimada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo
Sharciyeyntiisa.

Gagogabada shirka ayaa culimada Soomaaliyeed la filayaa in ay kasoo saaraan shirka bayaan ka dhan kooxda Al Shabaab, waxaana la filayaa in culimada ku baaqaan in lala dagaalamo kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -