Shir looga hadlayay dhamaystirka qaab dhismeedka Amniga Qaran oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay shirka guddiga farsamo ee dhamaystirka qaab dhismeedka amniga qaranka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo warbixin ka dhagaystay xafiiska amniga qaranka, ayaa ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan isku-xirka iyo wada shaqaynta hay’adaha amni ee maamul gobaleedyada.

Shirkan waxa soo qabanqaabiyey xafiiska amniga qaranka oo ay qayb ka yihiin xafiisyada amni ee heer maamul gobaladeed, beesha caalamka iyo daneeyayaasha amni ee Soomaaliya.

Shirka oo socon doona muddo labo beri ah ayaa lagu lafaguri doono hannaanka lagu daadejinayo maamulka hay’addaha amniga qaranka iyo qaabka loo adkayn lahaa amniga goobaha laga xoreeyey Khawaariijta.

- Advertisement -