Guddoomiye Ciise Guure oo kala hadlay Bradley David Mashaariic laga fulinayo Dayniile iyo Degmooyin kale (Sawirro)

Guddoomiye Kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, Mudane Ciise Guure ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda IOM oo uu Hogaaminayay Mr. Bradley David.

Kulanka ayaa loogu hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeeynta ka dhexeysa maamulka gobolka Banaadir iyo IOM, gaar ahaan Mashaariicda IOM iyo World Bank ay ka fulinayaan degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir gaar ahaan degmooyinka Kaxda, Garasbaley iyo Dayniile.

Maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda IOM ayaa isla qaatay in la dardar galiyo hawlaha dib u dajinta iyo taageerada barakacayaasha ku nool degmooyinkaas, iyo in la abuuro jawi wada shaqeyn isla markaana la joogteeyo qeybaha farsamada ee fulinta mashaariicdaas.

Hay’adda IOM iyo World Bank ayaa mashaariic badan oo ay maalgaliyeen ka fuliyay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in dhawwaan la bilaabo mashaariic cusub oo ay maalgalinayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -