Ciidamadii laga keenay dalka Eritrea oo Dagaal diyaar u ah iyo Dowladda oo qorshe cusub wada

Magaalada Muqdisho waxaa dib loogu soo celiyay boqolaal askari oo katirsan ciidamo dowladda tababar ugu dirtay dalka Eritrea, waxaana ciidankan hadda ku jiraan xerada Generaal Gordan oo lagu diyaarinayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay u tagay ciidamadan laga keenay Eritrea ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamisa ciidamadan laga keenay dalka Eritrea ayaa sheegay in ciidamada diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah Al Shabaab ayna kaliya sugayaan amarka madaxda sare ee dalka si ay u howlgalaan.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in ciidamada loo soo tababaray difaaca dalkooda ayna diyaar u yihiin fulinta howlgalo dalka looga xoreenayo dagaalyahanada Al Shabaab oo hadda wajahaya culees weyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ciidankan ugu diyaarineyso hubkii iyo gaadiidkii ay ku howlgali lahaayeen, waxaana ciidankan dowladda geeneysaa gobolada dalka qaarkood si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -