Dowlada Itoobiya oo qaaday talaabo ka farxisay shacabka gobolka Tigray

Itoobiya ayaa u fasaxday qaar ka mid ah bankiyada dalkaas iney dib uga shaqo bilaabaan gobolka Tigray, iyadoo bankiyadaas ay markiiba dib u bilaabeen adeegyadii dadweynuhu ay ka heli jireen goobaha ay dowladdu maamusho ee gobolka Tigray

Talaabadan ayaa daba socota heshiiskii bishii November ay gaareen dowlada Itoobiya iyo kooxda TBLG oo lagu joojiyey dagaal dhiig badan ku daatay oo socday muddo laba sano ah.

Heshiiska xabbad-jooginta ayaa dhigaya in si buuxda dib loogu soo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee Tigray, waxaana adeegyadii korontada dib loogu soo celiyay caasimadda gobolka ee Mekelle horraantii bishaan markii ugu horeysay muddo sanad ah.

Bangiyada gobolka Tirgay ayaa guud ahaan xirmay tan iyo markii TPLF ay ka saartay gobolka Tigray ciidanka qaranka Itoobiya June 2021.

Dagaalkan oo salka ku hayay saluug ka dhex aloosanaa siyaasiyiinta uu u dhexeeyay loolalka siyaasadeed iyo loolanka gobolka ayaa sababay dhimashada kumannaan kun, iyo barakaca malaayiin qof oo Tigray ah oo baahi weyn u qabaan cunto.

Bangiga Ganacsiga Itoobiya oo ay dowladdu maamusho ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay galinkii dambe ee Isniintii inay dib u fureen laamo uu ku lahaa magaalada Shire iyo magaalooyinka Alamata iyo Korome.

Bangiga caalamiga ah ee Lion iyo Bankiga Wegagen ayaa sidoo kale dib u bilaabay adeegyadii ay ka hayeen qeybo ka mid ah gobolka Tigray, sida ay bangiyadani sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -