Khilaaf soo kala dhex galay Laftagareen & Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay khilaaf meel adag maraya ayaa soo dhex galay ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen.

Ilo xog ogaal ah ayaa Allbanaadir Online u sheegay iney fashil ku dhamaadeen kulamo u socday Madaxweyne Laftagareen iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ka tirsan ATMIS.

Khilaafkan ayaa ku soo aaday xili maanta magaalada Baydhabo looga dhawaaqay ciidamo la magac baxay badbaadinta Maamulka koonfur Galbeed, kaasoo ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiin mucaaradsan Madaxweyne Laftagareen

Laftagareen oo muddo xileedkiisa sharciga ahaa uu dhamaaday maanta oo taariikhdu aheyd 19ka Dismebar ayaa ciidamada Itoobiya ka doonaya iney taageeraan muddo kororsi hal sano ah oo uu horey baarlamanka maamulkaas ugu sameeyey, hase ahaatee saraakiisha Itoobiya ayaa diiday arrintaas, iyagoo u sheegay Laftagareen ineysan qaadi karin talaabo aysan siyaasad ahaan la qabin dowlada Somalia.

Siyaasiyiin mucaarad ah oo ka soo jeeda Koonfur galbeed ayaa Laftagareen ku haya cadaadis ku aadan in la qabto doorashada Madaxweynaha maadaama uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee Madaxweyne Laftagareen.

Siyaasiyiintan oo maalmahan ku shirsanaa Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda iney taageero ka helayaan dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo dooneysa in isbedel dhinaca maamulka ah laga sameeyo Koonfur galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -