Natiijada codeynta ra’yi ururinta Musk: Elon waa inuu iska casilaa Maamulaha Twitter-ka

Dadka Isticmaala Twitter-ka ayaa si adag ugu codeeyay ra’yi ururin loogu talagalay Elon Musk inuu ka tago jagada madaxa fulinta ee shabakadaas, taasoo ah falcelin ka dhan ah bilyaneerkan wax ka yar laba bilood ka dib markii uu la wareegay shirkadaas

Musk ayaa sheegay Axadii inuu u hogaansami doono natiijada codbixinta, balse ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan goorta uu xilka ka degayo.

Qiyaastii 57.5% codadka la dhiibtay ayaa u codeeyay “Haa”, halka 42.5% ay ka soo horjeedaan fikradda ah in Musk uu ka tago madaxa Twitter-ka, sida lagu sheegay ra’yi ururinta bilyaneerka uu bilaabay fiidnimadii Axadda. In ka badan 17.5 milyan oo qof ayaa codeeyay.

Natiijooyinka ra’yi ururinta ayaa yimid ka dib toddobaad duufaano wata oo ay ku jiraan isbeddelo lagu sameeyay siyaasadda gaarka ah ee Twitter-ka iyo joojinta – iyo dib u soo celinta – xisaabaadka saxafiyiin laga xiray barahooda gaarka ah taasoo keentay cambaareyn uga timid hay’adaha wararka, kooxaha u dooda iyo mas’uuliyiinta Yurub oo dhan.

Tan iyo markii uu la wareegay bishii Oktoobar, Musk wuxuu si degdeg ah shaqada uga ceyriyay maamulka sare iyo kumanaan shaqaale ah, wuxuu sheegay in lacag lagu soo dalacayo adeegga ee shirkadda warbaahinta bulshada ee Twitter Blue, wuxuuna dib u soo celiyay akoonnada uu mamnuucay maamulkii hore, oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

- Advertisement -