Bankiga Adduunka oo Warbixin cusub ka soo saaray kororka dhaqaalaha Somalia ee 2021

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bankiga Adduunka.

Waxaa shirkan lagu  soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadkii 2021.

Dr. Cilmi ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diyaariyay taasoo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii ka horreyay ee 2020.

“Waxa aan maanta shir Guddoomiyay kulan uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya (Economic Outlook), Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxaa naga go’an inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka ” ayuu yiri Wasiirka

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa horumar iyo koror sameeyay sanadkii hore iyadoo ay jiraan caqabado waawayn sida lagu xusay Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka

Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in abaaraha ba’an ee qeybo badan oo Dalka ka jira ay dhaqaalaha samayn xooggan ku yeesheen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -