Baraha Bulshada oo isku bedelay Fadhi-ku-dirirka Casriga !!

Madaxdeena maskaxdooda ayaa notebook u ah! Marka ka daaya mashquulka ragaan dantooda ha wataane; inaguna marqaatiyaal baynu kanahay xalkaas! Anaguna ficilkeenu ha ahaado Fadhi-ku-dirir.

Oraahdaasi waa mid kamid ah dhowr faallo oo laga bixiyay sawir muujinaya madax Soomaaliyeed oo la shirsan ergo ku suganeed shir caalami ah oo lagu qabtay dalka Belgium-ka.

Mid kale ayaa kusoo aragti dhiibanaya: raggaas dadka ka sugaya hoggaan iyo dowlad ayaa meel cidlo ah fadhiya waa rag ka fikiraya nin walba wuxu laqi lahaa; waxaana cadeyn kuu ah waxa loo aqrinayo miiska ayay uga soo tagayaan laakiin wixii qarash ah way soo qaadanayaan.

Dhowr aragtiyo kala duwan ah ayaa laga bixiyay sawirkan kuwaas oo badigood aan u muuqan kuwa beeri kara toosin iyo wax sixid, balse jid u furayay dhaleeceyn iyo meel-ka-dhac shaqsiyadeed oo lagala dul-dhaco dadka maqaam ahaan bulshada ku matala xilal muhiim ah.

Malada fiican waa cashar u dhiman in loo dhigo kumaanka kun ee ku xiran baraha bulshada kuwaa oo wixii lasoo hor-dhigaba si laab-kaca xukun degdeg ah ugu rida. Mararka qaar, intooda badan waxay si kalsooni leh ugu dhiirradaan inay mad-harka ka qiimeeyaan uur aysan gudihiisa ogaal u lahayn.

Nasiib-darro, kani ma ahan dhacdada kaliya ee mar la’arag ku ah baraha bulshada. Waxaa jira dhowr sheekooyin qofeed ku saabsan shaqsiyaad maqaam ahaan kala sarreeya kuwaas oo lagu xad-gudbo shaqsiyadooda gaarka ah.

Baraha Bulshadu waxaa ugu danbeyn lagu sifeyn karaa fadhi-ku-dirirkii qaddiimiga ahaa ee la iskugu imaan jiray goob cayiman. Balse gudo ahaan aad bay uga macno ballaaran yahiin marka la fiiriyo baaxadda ay la’eg yahiin tirada dadka ku midaysan oo – iyaga oo ku kala nool meelo kala duwan – awoodi kara inay gorfeeyaan dhacdo socota.

Waxa ka dhigay Bar-kulanka Baraha Bulshadu duni u furan gorfeynta iyo faaqidaada dhacdooyinka maalinlaha ah waa in da’deedu aysan lahayn xad lagu yaqaan.

Si mida gayaanka ku jira hana-qaadka hore ee nolosha iyo da’da culus waxay wadajir isula jaan-qaadaan qaadaa-dhigga sheekooyinka dharaar kasta lala  noolyahay ee lasoo dhigo baraha haba ugu horreyo facebook.

Qoraallada isugu jira taariikhaha, siyaasadda, ciyaaraha, jaceylka iyo maaweelada,  ayaa udub dhexaad u ah is-dhaafsiga aragtiyada iyo soo-gudbinta macluumaadka ka kala dahsoon. Waana dhinaca fiican.

Balse mid aan helin mudnaantii loo baahnaa ama aan loo yeelan fiiro gaar ah waa marka ay timaado ka-hadalka dhacdooyinka la xiriira xurriyadda shaqsiyaadka ama marka la rabo in laga fal-celiyo fikirka qofka.

Waxa yaab leh in qofka fikirkiisa ama muuqaalka lagu arko sumad ahaan loogu naaneyso ama xifaalo ahaan la isla dhex maro baraha bulshada. Toddobaad walba waxaa taagan dhacdooyin shaqsiyadeed kuwaas oo – in kasta oo fikradahooda aan lala wada dhici Karin – aan xaqna aysan taasi albaab u furi Karin ku xad-gudubka qofnimadooda gaarka ah.

Hal-dhacdo iyo dhowr fikradood oo aad qofka ku kala duwan tihiin micnaheedu ma ahan inay keensaneyso inaad xusuusan weydo waxyaalaha ama fikradaha aad ka midaysan tihiin. Kamana dhigna inay taasi la imaan karto kala-tag iyo ilaaq ama muran ku dhisan aflagaado. Waayo waxaa badan inta laga wada siman yahay aragti ahaan.

Ayaan-darro falsafaddani ma ahan mid sahay u ah saaxiibada ku midaysan baraha bulshada. Taas bedelkeeda aragtida kale ee ku dhex baahsan baraha kala duwan waa naqdin indha la’ iyo canbaareyn qaawan oo qofka lagula kaco.

Sideedaba xurriyadda qofku waxay ku eg tahay meesha ay ka bilaabato qofka kale xurriyaddiisa. Dhaqan ahaan, dib markii aynu u fiirino siduu ahaa wada-hadalkeennii hore, waxaan soo heli karnaa inuusan mar walba yeelan jirin dhammaad farxad leh.

Maanta oo la yimid hannaan sahlaya fadhi-ku-dirir aan ugu yaraan gacmaha la iskula tagi Karin – oo masaafo ahaan aad loo kala fog yahay – waa lama huraan in la qadariyo hoggaanka umadda si walba oo ay u leeyihiin dhaliilna waa in loo maraa tilmaanta dhaliishooda sifaha saxda ah.

Tifaf-tiraha Radio Himilo – Isma’il Mohamed Samatar.

Kala xiriir; farriin-danabeed; zeema200@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -