Xukun Dil ah oo lagu fuliyay nin ku lug lahaa Weerarkii dad badan lagu dilay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay in uu katirsanaa Al Shabaab kuna lug lahaa weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo.

C/llaahi Cali Aadan ayaa saakay lagu toogtay fagaare kuyaalla Koonfurta Gaalkacyo, ninkan ayaana maxkamadda ku heshay in uu ku lug lahaa weerarkii lagu dilay dad badan uu ku jiray wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh C/wali Sheekh Cali Cilmi yare .

Ninkan saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa maxkamadda ciidamada ku riday xukunka dilka ah sannadkii 2020-kii, waxaana ninkan saakay lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee labo sanno kahor lagu riday.

Maxkamadda ciidamada ayaa bilowday in xukunno dil ah ku fuliso dad loo heesto in Al Shabaab katirsan yihiin, kuwaa oo sannado kahor lagu riday xukunno dil ah, waxaana dhoorkii maalmo kahor sidan oo kale xukunno loogu fuliyay rag katirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -