Al Shabaab oo loogu baaqay in ay joojiyaan Weerarada Shacabka ay ku leenayaan

Hay’adda u dooda xuquul insaanka ee Amnesty International ayaa si kulul u cambaareesay qaraxyadii dadka badan ee shacabka ahaa lagu laayay ee sabtidii ka dhacay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Hay’addan ayaa ugu baaqay kooxda Al Shabaab in ay joojiyaan weerarada aan loo meel dayin ee shacabka ku dilayaan, waxa ay sidoo kale hay’adda ugu baaqday dowladda in ay xaqiijiyaan ammaanka dadka rayidka ah.

“Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab waa in ay joojisaa weerarada aan loo meel dayin ee ay ku heyso dadka rayidka ah, sidoo kale mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay xaqiijiyaan in la ilaaliyo dadka rayidka ah,” ayay tiri hay’adda xuquul insaanka ee Amnesty International.

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa cadeesay in weerarada ay Al Shabaab geesanayaan uu yahay fal dambi ah ayna muhiim tahay in kuwa lagu tuhmayo in ay masuul ka yihiin loo maxkamadeeyo.

Qaraxyadii dhawwaan ka dhacay isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 120-qof, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad ka badan 340-qof oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -