Qarax lagu weeraray guri uu degnaa Sargaal Ciidan iyo Khasaaro ka dhashay

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xalay qarax miino lagu weeraray guri uu magaaladaasi ka degnaa sargaal katirsanaa ciidanka Jubbaland.

Qaraxa miino ayaa lagu dhajiyay darbiga guri uu magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada Siinay ka degnaa abaanduulihii hore ee Ciidamada Jubbaland Raamsade, waxaana qaraxan waxyeelo gaarsiiyay xubno kamid ah qoyska sargaalkan.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa waxaa ku dhintay qaar kamid ah carruurta uu dhalay sargaalka la weeraray, waxaa sidoo kale qaraxa dhaawacyo kasoo gaareen sargaal Raamsade iyo xaaskiisa.

Ciidamada amniga maamulka Jubbaland ayaa gaaray guriga qaraxa lagu weeraray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan la ogeyn ilaa hadda cid ay ciidamada amniga kusoo qabteen qaraxa miino.

Magaalada Kismaayo waxaa kusoo badanaya qaraxyada miino ee lagu dhejiyo guryaha ay degan yihiin saraakiisha iyo xubnaha katirsan maamulka Jubbaland, waxaana horey magaaladaasi uga dhacay qaraxyo lamid ah midka xalay dhacay oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -