Ruushka oo ka hadlay sababta uu duqeymaha ula beegsaday dekeda Magaalada Odesa

Wasaaradda arimaha dibadda Ruushka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay weerarkii Sabtidii lagu qaaday magaalada Odesa ayaa sheegay in ciidamadoodu u adeegsadeen gantaalaha aan yoolkooda seegin goobo milatari oo la beegsanayey.

Maria Zakharova oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaal nooca cruise-ka ah uu burburiyay xarun milateri oo ku taallay dekadda Odesa.

Waxa ay intaa raacisay in doon milateri oo ay leeyihiin ciidamada Ukraine uu haleelay gantaal nooc aan yoolkooda seegin ah.

Saraakiisha milateri ee Ukraine ayaa qiray in markab lagu duqeeyay dekadda, balse ma aanay sheegin inuu ahaa mid ciidan.

Waxa ay intaa raaciyeen in markabka uu burbur soo gaaray balse aanu degin. Muuqaal shalay la baahiyay ayaa muujinaya kooxaha dab-demiska oo la tacaalaya dab ka kacay dekadda.

Duqeynta shalay uma muuqan inay wax yeelo ugeysatay keydka dalaga ee ama maraakiibta lagu rarayo ee dekadda ku xiran.

Xukuumadda Moscow ayaa ku doodaysa in duqeynta aanay jebin heshiiska ay dhinacyada Jimcihii ku gaareen magaalada Istanbul.

Heshiiska ayaa dhigaya in dhinacyada aanay weerarri karin maraakiibta ganacsi iyo dekadaha ku hawlan dhoofinta dalaga.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku tilmaamay duqeynta dekadda Odesa mid waxshinnimo ah, isagoo intaa raaciyay in Ruushka aan lagu aamini karin fulinta heshiiska la gaaray.

Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa lagu soo warramayaa in ay weli ka go’na tahay dhoofinta qamadiga uu sida weyn caalamka ugu baahan yahay.

 

- Advertisement -