Madaxtooyada oo War kasoo saartay Ujeedka Safarka Madaxweynaha ku aaday Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw u ambo baxay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh  uu qaar ka mid ah dalalka xiriirka soojireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunnida.

Madaxweynaha marka uu tago Masar ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kulankooda uga hadli doona  iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -