Sacuudiga oo balan-qaaday inuu wax ka qaban doono cabasho ka timid dowlada Somalia

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS Mudane Sh. Cumar Cali Rooble ayaa ka kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Towfiiq Bin Fowzan Al-Rabiicah.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan heerka diyaargarowga howlaha Xajka ka dhageystay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga iyo waxa uu Xajka sanadkan kaga duwan yahay sanadadii hore.

Wasiirka Sh.Cumar Cali Rooble ayaa isagana la wadaagay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudi Carabiya warbixin ku saabsan heerka diyaar garowga ay dowladda Soomaaliya sameysay iyo in dhawaan Xujeyda Soomaaliyeed ay soo gaari doonaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiirka Sh.Cumar Cali Rooble ayaa la wadaagay Wasiir Dr. Towfiiq caqabado ugaar ah Xujeyda Soomaaliyeed, isagoona ka codsay in wax laga qabto caqabadahaas, isagoo dul istaagay Caqabadaha xaga deegaanada la dejiyo Xujeyda Soomaliyeed xilliyada gudashada acmaasha Xajka (Mina). Wasiirka Dr. Towfiiq ayaa balanqaaday in wax laga qabanayo caqabadahaas.

- Advertisement -