Xidhibaano badan oo Soomaali ah oo lagu doortay magaalada London

 

Muwaadiin asalkoodu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalka Britain ayaa guulo waa weyn ka gaaray doorashooyinka dowladda hoose ee ka qabsoontay  magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

Doorashadan ka qabsoonray degmooyin ka tirsan magaalada London waxaa kusoo baxay tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo loo doortay in ay noqdaan xildhibaano katirsan golayaasha deegaanka .

Soomaalida xildhibaanada ka noqday degmooyin katirsan magaalada London ayaa gaaraya ilaa 10-xildhibaan, waxaana dhammaan la sheegay Soomaalida in uu  sharxay ayna matalayeen xisbiga mucaaradka ee Labour Party.

Degmooyinka muhiimka ee looga guuleystay xisbiga talada dalka Britian haya ee  Conservative-ka ayaa waxaa ka mid ah degmada Westminster oo ah halka ay degan yihiin hay’addaha dowladda.

Xisbiga Conservative-ka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sannadkan lumiyay kuraas badan ay horey u heesteen iyo degmooyin aan waligood looga guuleesan, waxaana doorashada guulo ka gaaray xisbiga mucaaradka Labour Party.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -