Wiilashii ugu horeeyey oo laga soo saaray bohoshii ay go’doomeen ee dalka Thailand (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan afar kamid ah kooxdii wiilasha ahayd ee mudada labada toddobaad ah ku xayirnaa bohol kutaal Waqooyiga dalka Thailand ayaa bannaanka loo soo saaray, sida ay sheegeen ciidamada badda ee dalkaas.

Kooxaha badbaadada ayaa go’aansaday in ay sii wadaan hawgalka khatarta badan ee axaddii bilowday ayadoo laga cabsi qabo in roobab hor leh ay halkaasi ka da’aan.

Quusayaasha badda ayaa hagaya 12 wiil iyo tababarahoodii kuwaas oo go’doon ku ah meel mugdi ah oo ay biyo awdeen oo kutaal afka hore ee bohosha Tham Luan ee dalkaas.

Waxaa loo soo badbaadinayaa koox koox, mana cadda inta uu hawgalkaasi qaadan doono.

Si kastaba ha ahaatee, hawgalka ayaa u socda si xawli ah oo ka dardar badan sidii ay masuuliyiintu filayeen.

Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya quusayaal dunida isaga yimid iyo ciidamada Badda dalka waxaa lagu tilmaamay howlgalkii ugu weynaa ee abid lagu badbaadinayo dad ku go’doomay Bohol ay biyo xireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -