Gaari looga shakiyay Waxyaabaha Qarxa oo gudaha u galay Xarunta Madaxtooyada

Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in gaari looga shakiyay in waxyaabaha qarxa saaran yihiin lagu arkay guddaha Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan albaabada laga galo.

Gaarigan oo la sheegay in uu wato nin Madaxweyne Farmaajo seedigiis ah ayaa laga shakiyay xilli uu galayay albaabka Madaxtooyada, waxaana gaarigan ka kala cararay eeyaha qaraxyada baara oo markii u dhawaadeen ka shakiyay in qaraxyo saaran yihiin .

Ciidamada AMISOM iyo ilaalada madaxtooyada ayaana amray in laga fogaado gaari waxyaabaha qarxa looga shakiyay, waxaana loo wacay ciidamada baarista qaraxyada oo gaarigaasi tagay halka uu yaalo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan gaarigan qaraxyada in ay saaran yihiin looga shakiyay, mana jiro faah faahino badan oo laga helay in gaarigan qaraxyo laga helay iyo in kale.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya shaaciya in Al Shabaab wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay ku dilaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, digniintaas ayaana dhalisay shaki iyo tuhuno badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -