Farmaajo oo la sheegay in marar badan difaacay Francisco Madeira xilli la bedeli rabay

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah Musharax Madaxweyne ayaa ka hadlay tallaabadii Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ku eryay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira .

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in  Francisco Madeira dhow jeer oo hore oo ay mucaaradku ka gudbiyeen ashtako la xariirta habdhaqankiisa xeerka diblomaaasiyada khilaafsan uu difaacay Farmaajo oo xiriir dhaw la lahaa.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmana Cabdishakuur in labo mar oo Francisco Madeira la bdeli lahaa uu Madaxweyne Farmaajo codsaday in aan la belin oo loo cusbooneyso xilka, waxa uuna xusay in Wakiilka Midowga Afrika hada u dhaqmay si xishood la’aan ah.

”Dhow jeer oo hore oo ay mucaaradku ka gudbiyeen ashtako la xariirta habdhaqankiisa xeerka diblomaaasiyada khilaafsan iyo xiriirka mugdiga leh ee kala dhexeeya madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, Farmaajo ayaa daafacay, axaan kaloo xog ku haynaa in labo jeer oo la bedeli lahaa uu Farmaajo codsaday in xilka loo cusboonaysiiyo. Madeira si curfiga diblomaasiyadda ka baxsan oo aan sariig lahayn ayuu isku soo qaawiyey. Cidna ma eryin ee isaga ayaa afkiisa isku eryey.” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.
Musharax Madaxweyne CC Warsame ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in todobo sano uu Ambassador Madeira dalka joogay la bedelay safiiro badan oo waddamada caalamka iyo Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya balse aan isaga marnaba la bedelin.
”Ugu yaraan 3 safiir oo Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan, 3 Ingiriis ah, 3 Midowga Yurub ah, 3 Swedan ah iyo 3 Talyaani ah oo ka tirsan safiirada C6+ ayaa isbedelay 7dii sano ee uu Ambassador Madeira dalka joogay” ayuu yiri CC Warsame.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa xalay mar kale difaacay kana soo horjeestay go’aankii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya dalka uga eryay  Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -