Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay, Wefti ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho .
 
Wafdiga uu maanta qaabilay Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.
 
Madaxweynaha Puntland ayaa wakiiladan katirsan beesha caalamka kala hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Doorashadda xildhibaanada gollaha shacabka oo hada heer gabo gabo ah maraya.
 
Kulanka dhax maray Madaxweynaha Puntland iyo wakiilada ka socday Beesha caalamka ee gaarat Garawe ayaa looga hadlay abaaraha dalka ka jira gaar ahana deegaanada Puntland iyo sidii dadka abaarta saameysay gargaar loola gaari lahaa.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -