Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Amiirka Qatar xili uu xaalka kusii xumaanayo

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa telfoon kula hadlay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad.

Farmaajo iyo Amiirka Qatar ayaa kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii dowladda Qatar mar kale gacan uga geesan laheyd dib usoo laabashada Farmaajo oo hada rajo xummo laga muujiyay.

Waxa ay sidoo kale labada masuul kawada hadleen sii xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii loo xoojin lahaa mashaariicda kala duwan ee Qatar ka wado Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxa ayna Qatar la wareegteen doorkii dowlada Imaaraadka Carabta iyada oo si toos ah u maalgelisa una taageerta dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -