Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Cumar Cabdirashiid oo si adag uga hadlay Doorashada Xerada Milatari lagu qabtay

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa shaki galiyay habka ay ku bilaabatay doorashada gollaha shacabka ee shalay ka dhacday magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.

Cumar Cabdirashiid ayaana qoraal uu soo dhigay barta Twitterka farta ku fiiqay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee lagu qabtay xero ciidan oo kutaala Garawe, waxa uuna isweediiyay waxa keenay in xero doorashada lagu qabto.

“Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sharci-darradaas. Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda. Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan wixii aan horay uga baqaynay” ayuu ku yiri Cumar Cabdirashiid.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee shalay ka bilaabatay magaalada Garawe ayaa loo jeediyay dhaliil iyo eedeymo badan, waxaana doorashadaasi oo lagu qabtay xero ciidan lagu tilmaamay mid aan daah furneyn oo musuq maasuq hareeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=NXtQv5Aq5gc&t=300s

Related posts

Shirkii Farmaajo iyo Rooble oo Fashil kusoo dhamaaday iyo Qodobadii la isku mari waayay

Cabdi Cade

Somaliland oo joojisay Duulimaadyada uga yimaada Muqdisho iyo magaalooyin kale

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo Digniin adag kasoo saaray in laga hor istaago Banaan baxa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---