Xukuumada Somalia oo ka hadashay maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleeyada ayaa maanta la kulmay diblomaasiyiinta beesha caalamka Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka wadahadleen dardargelinta doorashooyinka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gabagabeeyo doorashada,.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in turxaan bixinta doorashada lagala tashanayo dhinacyada ay khusayso, sida midowga musharixiinta, bulshada rayidka, haweenka iyo daneeyayaasha kale” ayuu yiri afhayeenka xukuumada Somalia.

Shirkan ay leeyihiin Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shalay ka furmay Muqdishu xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ras’iisul Wasaare Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -