Rooble iyo Madax kale oo ku lugeeyay Laamiga isku xira Balcad iyo Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo masuuliyiin kala duwan oo la socda ayaa maanta safar howleed ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
 
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale, ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan .
Rooble iyo Xubno la socday ayaa sidoo kale ku lugeeyay laamiga isku xira Muqdisho iyo Balcad si ay ugu kuurgalaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hirshabelle ayaana degmada Balcad kulan kula qaatay masuuliyiin , saraakiil iyo maamulka degmada ay ka dhageesteen warbixino la xariira amaanka degmada iyo xaalada nololeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -