Shiikh Hassan Nasrullah oo kashifay sir muddo dheer u qarsaneyd kooxdiisa Xisbullah

Hoggaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay in kooxdiisa haysto 100,000 kun oo dagaalyahan oo tababaran islamarkaana hubeysan, isagoo hadlayey kadib rabshadihii dhimashada lahaa ee toddobaadkii tegay ka dhacay magaalada Beirut.

Nasrallah oo jeediyey khudbad laga sii daayey talefishinka ayaa ku eedeeyey xisbiga Kirishtanka Lubnaan ee LF inay ka dambeeyeen dilka toddoba xubnood oo ka tirsan kooxdiisa iyo kooxda Shiicada ah ee ay xulufada yihiin ee Amal, kuwaasoo lagu dilay dibad-bax dhacay.

Lebanon’s Hezbollah leader Sayyed Hassan Nasrallah gives a televised speech, in this screengrab taken from Al-Manar TV footage, Lebanon October 18, 2021. AL-MANAR TV/Handout via REUTERS

“Waxaa markii ugu horeysay qasab igu ah inaan ku dhowaaqo tiradan,” ayuu yiri Hassan Nasrallah oo sharxaya shaac ka qaadista tirada dagaal-yahanadiisa, taasoo uu sheegay inuu uga dan leeyahay inuu ka hortago dagaal, ee aanu ku hanjabeyn dagaal sokeeye

Nasrallah ayaa hadlayey ayada oo ay sare u kacday xiisadda ka taagan Lubnaan ee ka dhalatay garsoore loo magacaabay inuu baaro qaraxii sanadkii tegay ka dhacay dekedda Lubnaan, kaasoo ay ku dhinteen 210 qof, islamarkaana dhaawacay kumanaan kale.

Rabshadaha ayaa Khamiistii ka qarxay Beirut kadib markii taageerayaasha Xizbullah iyo Amal ay dhigeen dibadbax ay ku dalbanayaan inuu is-casilo garsoore Tarek Bitar.Xizbullah iyo Amal ayaa ku eedeeyey dadka wax toogta ee xisbiga Kirishtanka ee LF inay billaabeen dagaalka.

Hase yeeshee hoggaamiyaha LF, Samir Geagea ayaa beeniyey, wuxuuna sheegay in dadka degan xaafadda Kirishtanka ee Ain al-Remmaneh ay iska difaaceen maleeshiyo ka tirsan Xizbullahi oo weerar ku soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -