Ra’isul Wasaare Rooble oo Shaaciyay Xiliga ay bilaabanayaan Doorashada Aqalka Hoose

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanada Somaliland ay bilaabanayaan isbuuca soo socda.

Rooble ayaa sheegay in Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka kawada hadleen in la dedejiyo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka kaga soo aadeysa gobolada Waqooyi.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana rajo fiican ka muujiyay in doorashada 46-ka Xildhibaan ee Gobollada Waqooyi ku metalaya Aqalka Shacabka Baarlamaanka 11-aad ti rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabato isbuuca dambe.

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaan wali bilaaban, waxaana marar badan jadwalo lasoo saaray noqdeen kuwa aan shaqeyn, lamana oga in Isbuuca soo socda doorashada Aqalka Hoose dalka si rasmi ah uga bilaaban doonto.

Magaalooyinka la filayo in ay ka dhacaan doorashada Golaha Shacabka ayaa ku jira diyaar garow, mana jirto ilaa hada ergo iyo odayaal loo xareeyay doorashada Aqalka Hoose oo hada ay bilaabato guul u ah xukuumada Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -