Golaha Midowga Musharaxiinta oo War Saxaafadeed soo saaray (Halkan ka Akhriso_

Golaha Midowga Murashixiinta ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay uga hadleen dadkii maatada ahaa ee dhawaan Maamulka Somaliland sida qasabka ahaa uga soo musaafuriyeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Musharaxiinta ayaa sheegay in si weyn uga xun yihiin xadgudubkii lagula kacay dadka Soomaaliyeed ee sida qasabka ahaa looga soo raafay Laascaanood, waxa ayna goluhu sheegeen in fal dambiyeed dad kooban geesteen ka xun yihiin in loo ciqaabo bulsho dhan.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaana ugu baaqay maamulka Somaliland in ay ka fiirsadaan deg degna u joojiyaan dadka ay sida qasabka ah usoo raafayaan lana ilaaliyo hantida dadkaasi leeyihiin.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -