Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Abiy Axmed iyo Yoweri Museveni (Sawirro)

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee  Soomaaliya Maxamed Candulaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab.

Labada Masuul ayaa sidoo kale si hoose uga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan sidii uu mar kale gacan uga geesan lahaa dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo oo mar kale doonaya in talada dalka kusoo laabto.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan kale oo gaar ah la qaatay dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ,waxa ayna labada madaxweyne kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo balaarinta iskaashiga dhinaca amaanka.

Waxa ay sidoo kale labada Madaxweyne kawada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Khilaafka Farmaajo iyo Rooble, waxa uuna Musevani kula taliyay Farmaajo in xaalada siyaasadeed ee dalka la dejiyo xiligan kala guurka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo la qaato madax kale oo ku sugan dalka Itoobiya una tagay halkaasi ka qeyb galka caleemo saarka Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo xisbigiisa mar kale doorashadii dhacday ku guuleestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -