Abaabul Dagaal ka dhan ah kooxda Ahlu Sunna oo ka socda magaalada Dhuusomareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Ahlu Sunna ee la wareegtay magaalada Guriceel uu hada ka socdo Dhuusomareeb.

Ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay la geeyay magaalada Dhuusomareeb kuwaa oo loo diyaarinayo fulinta howlgalo ka dhan ah kooxda suufida ee ku sugan Guriceel iyo deegaano kale.

Madaxda ugu sareysa Galmudug iyo saraakiisha ciidanka dowlada iyo kuwa Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa wararku sheegayaan in isla garteen fulinta howlgal ka dhan ah Ahlu Sunna dibna loogu qabsanayo magaalada Guriceel.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Haramcad ee la geeyay magaalada Dhuusomareeb ayaa lagu wareejiyay gaadiid dagaal ay ku howlgalaan , waxaana ciidankan isku diyaarinayaan howlgalo ka dhan ah kooxda Ahlu Sunna .

Maleeshiyaad iyo ciidamo taabacsan Ahlu Sunna ayaa dhankooda abaabul ka wada magaalada Guriceel iyo deegaano kale, waxa ayna sheegeen in ay iska difaacayaan weerar kasta oo lagu soo qaado.

Madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa ka biyo diiday in wadahadalo la yeeshaan Madaxda sare ee Ahlu Sunna oo doonaya in mar kale dib ugu soo laabtaan siyaada Galmudug ayna galaan gor gortan cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -