Nin isku dayay Kufsi oo lagu amray dhaqida iyo Feeraynta dharka Dumarka !!!

Nin u dhashay dalka Hindiya oo ku eedeysan Isku-day Kufsi ayaa lagu sii daayey Damiin lagu xiray Shuruud culus.
 
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Lalan Kumar oo 20-jir ah waxaa lagu amray inuu muddo 6 bilood ah qabto shaqooyinka dhaqida iyo Feereynta ( to wash and iron) dhamaan dharka Haweenka ku nool Tuullada uu kufsiga ka geysan lahaa.
 
Lalan Kumar waxaa uu jeebkiisa ka bixin doonaa Kharajka Oomada iyo alaabaha kale ee muhiimka u ah Adeega Lacag La’aanta ee Dhar-Dhaqista (free Laundry Services).
 
Maxkamadda waxay shalay (Arbaco) kuu sii daysay Eedeysanaha damiin inuu dharkooda dhaqo ilaa 2,000 oo Haween ku nool Tuullada Majhor oo ka tirsan Gobalka Bihar muddo 6 bilood ah.
 
Tuulladaasi ayaa aha Deegaankii uu kufsiga ka geysan lahaa, waxaana 6 bilood kadib la soo taagi doonaa Maxkamadda si loogu dhawaaqo xukunka uu mudan yahay.
 
Lalan Kumar oo shaqadiisa caadiga ahayd Dhar-Dhaqe (Doobiile ama Labandaayiste) waxaa la xiray bishii April ee sanadkan, isagoo lagu soo oogay Isku-day Kufsi.
 
Haweenka degan Tuullada uu Ninkaasi ka soo jeedo wey soo dhaweeyeen inuu Eedeysanaha dharkooda lacag la’aan ugu dhaqo muddo 6 bilood oo xiriir ah, si ay ugu tusaale qaataan Ragga kale ee Kufsi-doonka ah ee ku nool Tuulladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -