Galmudug oo Shaacisay in faraha kala baxeen Dhax Dhaxaadintii Farmaajo iyo Rooble !

Waxaa xalay mar kale fashil kusoo dhamaaday wadahadalo lagu dhax dhaxaadinayay  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kamid ahaa madaxdii ku howlaneed dhax dhaxaadinta Farmaajo iyo Rooble, hasa ahaatee waxaa hada quus taagan Qoor Qoor iyo masuuliyiintii kale ee dhax dhaxaadinta waday.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Falagle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Galmudug ka quusatay dhax dhaxaadinta Farmaajo iyo Rooble, waxa uuna sheegay in dhinaca Farmaajo wax ka socon waayeen uuna caqabad ku noqday Wadahadalka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Madaxweyne Qoor Qoor iyo madax kale kale waqti badan galiyeen sidii xal loogu heli khilaafka taagan balse ugu dambeyn xalay uu albaabkaasi soo xirmay ayna ka quusteen miro dhalka wadahadaladii socday.

Wasiirka ayaana cadeeyay in dadaaladii la waday oo dhan fashil kusoo dhamaadeen ayna cadeenayaan in Galmudug hada banaanka ka tahay wadahadalii xal u radainta Khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

”Waxaan rabnaa in ana cadeeneyno in dadaaladii socday ay socon waayeen ayna fashilmeen, Galmudug banaanka ayey ka tahay waxii hada ka dambeeya, dhinaca Madaxweynaha ayeyna wax ka socon waayeen” ayuu yiri Axmed Falagle.

Khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray, waxaana markii labaad fashil kusoo dhamaaday dadaal waqti badan la galiyay oo xal loogu raadinayay khilaafka u dhaxeeya labada masuul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -