Taliyihii Ciidamada Haramcad iyo saraakiil kale oo ku dhaawacmay dagaalka Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo Milatari ah iyo kuwa katirsan booliiska ayaa saakay ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho, dagaalkan ayaana salka ku haya dhul halkaasi kuyaala oo la isku heesto.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa qarxay kadib markii halka dhulka kuyaalo saakay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, waxaana ciidankan dagaal kala hortagay ciidamo milatari ah oo halkaasi joogay.

Dagaal daqiiqado socday ayaana ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir, waxaana dagaalka markii dambe qaboobay markii ciidamada booliiska  dib uga gurteen halka lagu dagaalamay, inkastoo mararka qaar xabado goos goos ah la maqlayo aagaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka ku dhaawacmeen saraakiil katirsan ciidanka booliiska uu ku jiro taliyihii Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax , waxaa sidoo kale dagaalka khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.

Dagaalkan ayaana salka ku haya dhul kuyaala agaarka isgooska Banaadir oo mudooyinkii dambe la isku heestay, dhulkan ayaana la sheegay in xalay dhismo lagu bilaabay iyada oo ilaalo ka hayaan ciidamo milatari ah waxaana saakay weerar ku qaaday ciidamo booliis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -