Dilal khaarajin ah oo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Dilal kala duwan ayaa caawa ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho kuwasoo ay fuliyeen dabley bastoolado ku hubeysan sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Dilka hore ayaa ka dhacay gor dhow xaafada shanta geed oo ka tirsanaa degmada H/wadaag ka dib markii Koox Dabley hubeysan ay rasaas ku fureen Masuul ka tirsan  degmada H/wadaag.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyey Jabloos ayaa waxaa uu ahaa gudoomiye ku xigeenka waaxda Sakhaawudiin ee degmada H/wadaag, isagoo sidoo kale gudoomiye ka ahaa laan ka tirsan isla waaxda.

Dilka labaad ayaa la sheegay inuu ka dhacay Xaafadda Dabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley, halkaasoo lagu dilay nin oday ah oo dadka degaanka ka mid ah ka dib markii uu salaadii taraawiixda kasoo baxay iyadoo ay rasaas ku furteen dabley ku hubeysan Bistoolado.

Ninka odayga ah ee dilka loo geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Gaadaay, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falka dilka fulisay, lamana oga sababta loo dilay odaygaas.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobaha ay dhaceen dilalkan iyagoo halkaas ka wada baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey oo xili horeba  baxsaday.

Dilalkii ugu badnaa mudooyinkan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee ramadaan oo hadda mareysa heer gebogebo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

 

- Advertisement -