Sheekh Saalim Ibraahim oo loo doortay Muftiga Guud ee dalka Eritrea

Muslimiinta u dhashay Eritrea waxay bishan 9-dii doorteen Muftiga Guud ee dalkaasi, waxaana loo doortay Sheekh Saalim Ibraahim Al-Mukhtaar kadib Munaasabad lagu qabtay Hoolka Dhismaha Al-Mahad Hall oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Asmara.
 
Golaha Sare ee Fatwada iyo Arrimaha Islaamka iyo Kongareesyada Islaamiga ee Awqaaf iyo 82 Mashaa’iq caan ah iyo Odayaal ayaana si wadajir ah u doortay Muftiga Guud ee Eritrea.
 
Sheekh Saalim Ibraahim Al-Mukhtaar waxa uu horey u ahaa Ku-simaha Muftiga dalkaasi iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Fatwada iyo Arrimaha Islaamka ee dalka Eritrea.
 
Dhinaca kale, Muftiga Guud ee Eritrea ee cusub waxa Aabe u ahaa Caalimkii weynaa ee Sheekh Ibraahim Al-Mukhtaar Axmed Cumar, oo ahaa Muftigii u horeeyey ee uu yeesho dalka Eritrea.
 
Caalimkii weynaa ee Sheekh Ibraahim Al-Mukhtaar Axmed Cumar waxa uu sanadkii 1909-kii ku dhashay Tuullo kaabiga ku haysa Xeebta Badda Cas, wuxuuna Culuunta Islaamka ku soo bartay Machadka Islaamiga ee Undurmaan Islamic Institute ee dalka Sudan.
 
Caalimku waxa uu ka soo qalin jebiyey Jaamacadda Al-Azhar Al-Shareef University ee ku taalla Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.
 
Markii Al-Azhar Al-Shareef University ka qaaday Shahaadada Darajada Cilmiga ee Aliymia degree bilowgii sanadkii 1939-ki.
 
Markii uu Jaamacadda ka qalin jebiyey waxaa la sheegay inuu aad u xanuunsaday, lana dhigay Isbitaal ku yaallay Qaahira,Isagoo Bukaan-socod ah ayaa waxay Safaaradii Talyaaniga ee Xilligaasi ku lahaayeen Caasimadda dalka Masar ee Qaahira ku wargeliyeen in Isaga loo doortay Muftiga Weyn ee Eritrea, iyadoo la tixgelinayo Codsiyo ay Hoggaamiyayaasha Muslimiinta Eritrea u soo gudbiyeen Talyaaniga oo xilligaasi gumeysanayey Eritrea.
 
Sheekh Ibraahim Al-Mukhtaar Axmed Cumar waa u diiday Codsigaasi, balse, Cadaadis ay Safaaraddu saartay ayuu dib ugu soo laabtay Eritrea.
 
Bishii April ee sanadkii 1940-kii ayuu soo caga-dhigtay caasimadda Eriteria ee Asmara, wuxuuna la wareegay Xilkii loo doortay ee ahaa Muftiga Guud ama Qaadiga Qaadiyayaasha (Grand Judge).
 
Waxa kale oo uu soo qabtay Xilal dheeraad ah sida Guddoomiyaha Golaha Waqafka ee Islaamka Eritrea, Guddoomiyaha Golaha Culumada Eritrea iyo xilal kale.
 
Allaha u Naxariistee, Sheekh Ibraahim Al-Mukhtaar Axmed Cumar waxa uu muddo 30-sano ahaa Muftiga Guud ee Eritrea iyo Hoggaamiyaha Ruuxiga.
 
Bishii June 25-dii ee sanadkii 1969-kii ayuu geeriyooday, isagoo 59-jir ah, kadib, markii uu muddo kooban xanuunsanaa.
 
Kumanaan qof ayaa ka soo qeyb galay Aaskiisa, isagoo lagu aasay Qabuuraha Haz Haz ee magaalladda Asmara.
 
Allaha u Naxariistee, Muftigii u horeeyey ee dalka Eritrea, Sheekh Ibraahim Al-Mukhtaar Axmed Cumar waxa uu ifka kaga tegay 5 carruur ah oo uu ka mid yahay Sheekh Saalim Ibraahim Al-Mukhtaar oo haatan loo doortay Muftiga Guud ee Eritrea.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -