Taliska Booliska Soomaaliya oo shaaciyey iney qabteen shabakad ka kooban 27 qof

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyeen howlgal ciidamada ammaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qabtay shabakad dadka tahriibisa.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen koox ka kooban rag iyo haween la sheegay in dhalin yaro badan ay ka dhoofin jireen Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dadka ay qabteen ciidanka ay tiradooda gaarayso 27 qof, halka 22 kamid ah ay yihiin dumar, kuwaasoo dhamaantood lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay magaalada Muqdisho ugu dhoofin jireen dhalinyaro badan oo qaarkood qoysaskoodu aysan ka war heynin

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in dadkan uu ku socdo baaritaan, isla markaana sharciga la horgeyn doono dhowaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -