Ciidamada Isra’il oo weerar khasaaro dhaliyay ku qaaday Masjidka Al Aqsaa (Sawirro)

Ciidamada Yahuuda Israa’il ayaa awood ciidan u adeegsaday rabshado banaanka Masjidka ku dhax maray iyaga iyo dhalinyaro reer Falastriin ah oo ka careesan qoysas reer Falastiin ah oo si xoog ah looga saaray dhismayaal ku dhaw masjidka.

Ciidamada Israa’iil ayaa rasaas nool nool iyo kuwa cinjirka iyo bambooyin u adeegsaday dhalinyarada reer Falastiin oo iyana dhagxaan tuurayay, waxaana gudaha masjidka iyo banaankiisa ka dhacay iska hor imaadyo dhiig badan ku daatay.

Inta la xaqiijiyay rabshadahan waxaa ku dhaawacmay 178-qof oo lix kamid ah katirsan yihiin saraakiisha booliiska Israa’il, dadkan ayaana waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan oo looga daweenayo xarumo caafimaad.

Rabshadahaan ayaa sii xoogeestay habeenimadii Jimcaha kadib markii kumanaan qof ay isugu soo baxeen Masaajidka Al Aqsaa si ay u cibaadaystaan jimcaha ugu dambeeya ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Qaar kamid ah wadamada caalamka ayaan walaac xoogan ka muujiyay rabshadan ka dhacay masajidka Al Aqsaa, waxa ayna ku baaqeen in xaalada la dejiyo ayna Israa’iil joojiso awood sheegashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -