Kenya oo ka hadashay dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyaded ee Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa soo dhoweysay talaabada dowlada Somalia ku soo celisay xiriirkii labada dowladood o go’naa muddo dhowr bilood ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Dowlada Kenya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qatar dadaalka ay u gashay in xiriirka labada dal uu dib u soo laabto.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri war ay soo saartay soo saartay maanta wasaarada Arrimaha Dibbada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -