Fal-celin ka dhalatay wareegtada Farmaajo ka soo saaray Saadaq John

Iyadoo caawa fiidkii la baahiyay wareegto uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay inuu Darajadii Ciidanka uga xayuubiyay Gen. Saadaq Cumar (Saadaq Joon), ayaa waxaa arrintaas ka fal-celiyay dad u badan siyaasiyiinta diidan hab-dhaqanka madaxweynaha waqtiga ay u dheereeyeen baarlamaanka aan sharciyadda heysan.

Saadaq Joon ayaa shalay si lama filaan ah waxuu uga degay doontii Nabad iyo Nolol, kadib markii muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu qaranka ka badbaadinayo Qatar kusoo fool leh oo ay waajib ku tahay inuu tilaabo ka qaato, ha yeeshee daqiiqado kadib ayaa waxaa warbaahinta dowladdu baahisay in taliyaha Booliisku uu xilkii ka qaaday. Xil ka qaadistaas waxaa laga keenay su’aalo badan maadaaa markii hore u uku yimid magacaabis madaxweyne.

“Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco” ayuu yiri Mahad Salaad oo kamid ah xubnaha baarlamaanka sharciyaddu ka dhamaatay.

Mahad Salaad ayaa ku taliyay in xilli hore loo diyaar garoobo sidii madaxweynaha mudda xilkeedu ka dhamaatay umadda Soomaaliyeed looga qaban lahaa.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah midawga Musharrixiinta ayaa isna qoraal uu soo dhigay Facebook waxuu ku yiri, “Isagoo muddo xileedkiisa dhamaaday, awoodna u lahayn xil qaadis ayuu caawa ka aargutay generaal Saadaq John oo shalay muddo kororsigiisa diiday. Weligiin ogaada kalitalis waa kan dadka ugu taagta daran”

Kamaal Guutaale oo la taliye u ah madaxweynaha Galmudug, ayaa isna qoraal uu soo dhigay pagekiisa waxuu ku yiri, “Markii la lahaa awoodaha madaxweynaha hala dhimo maadaama muddada xil-heyntu ka dhamaatay, waxaa laga hadlayay madaxweynuhu inuusan qaadan go’aamada nuucaan ah oo aargoosiga ku saleysan!! Muddo kororsigu waa masiibo Dalka ku habsatay, waxa uu burburinayaa nidaamka dastuuriga ah, NABADDA yartaa oo la heysto ayuu baabi’inayaa – wuxuuna Dalka gelinayaa colaad iyo dagaal sokeeye!!”

Kahor inta uusan Farmaajo soo xirin albaabada wadahadalka uusanna baarlamaan aan sharciyad heysan ka doodana sharciyeyn waqti dheeraad ah, ayaa qodobadii la isku mari la’aa waxaa kamid ahaa in Farmaajo qoro warqad lagu dhimayo awoodiisa si musharrixiintu ay uga nabad galaan qatarta ka imaan karta, loona qabto doorasho dhex-dhexaad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -