(Sawirro) Turkiga oo soo saaray Mid ka mid ah taangiyada dunida ugu casrisan

Turkiga ayaa sheegay in bisha April uu tijaabinayo taangiga (Altay) ee ah kuwa ugu casrisan ee adduunka lagu isticmaalo, kaasoo muddo sannado badan ay ay ku howlaneyd soo saaristiisa.

Madaxa Warshadaha qalabka milatariga sameeya ee dalka Turkiga Ismail Demir ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay farsameynta taangiga Altay, dhawaanna la tijaabinayo.

Culeyska ugu weyn wuxuu Turkiga ka heystay sidii loo heli lahaa Matoorka awoodda badan ee uu ku shaqeeyo taangigaas, horayna waxay isugu fahmi waayeen Jarmalka oo Turkiga saaray Cunaqabateyn dhinaca hubka ah.

Wararla ayaa sheegaya in hadda uu Turkiga matoorkaas ka iibsaday waddanka Kuuriyada Koonfureed, sidaasna ay ugu suuragashay inuu sameysto taangigan ugu muhiimsan ee loo adeegsado goobaha dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -