Wiil iyo Aabihiis oo lagu dilay Gaalkacyo iyo Ninkii dilka geestay oo la qabtay

Nin hubeesan ayaa xalay dil laga argagaxay waxa uu u geestay wiil iyo aabihiis oo ku sugnaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamusho maamulka Puntland.

Aabaha iyo wiilkiisa ayaa xiliga la dilayay ku sugnaa kuna fiidsanaay banaanka hotel kuyaala magaalada Gaalkacyo, waxaana rasaas xoogan ku furay nin la sheegay in madaxa looga jiray.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geestay, waxa ayna sheegeen saraakiisha amaanka Waqooyiga Gaalkacyo in baaritaan lagu sameenayo dilkan.

Aabaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay  Sheekh Xasan saalax ismaaciil , waxa uuna ninkan kamid ahaa culimada dadka quraanka saarta caana waxa uu ka ahaa magaalada Gaalkacyo.

Dilkan xalay ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa noqday mid dad badan ka naxeen, walina lama oga waxa uu salka ku hayo dilkan iyo sababta ninkan hubeesan u beegsaday aabaha iyo wiilka uu dhalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -