Booliiska oo War kasoo saaray dilka sadex Haween xaamilo ah saakay loogu geestay Muqdisho

Booliiska Soomaaliya ayaa faah faahino ka bixiyay dil argagax leh oo saakay kooxo hubeesan xaafada Warlaliska ee degmada Dayniile ugu geesteen sadex haween ah oo la sheegay in labo kamid ah xaamilo ahaayeen.

Haweenkan ayaa la dilay xili ay mooto bajaaj u raacayeen Wasaarada gaashanadhiga oo la sheegay in nadaafad ahaan uga shaqeyn jireen, waxaana labo kamid ah haweenka la dilay ahaayeen walaalo sidoo kale xaamilo ahaa halka gabadha kalana dumaashidood aheyd.

War kooban oo kasoo baxay booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in haweenkan ay dileen kooxo argagaxiso ah, waxa ayna sheegeen booliiska in haweenkan la dilay iyaga oo caruurtooda u raadsanayay nolol.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin. Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah ayaa lagu yiri” Qoraalka booliska.

Dilkan saakay magaalada Muqdisho loogu geestay haweenkan ayaa argagax badan galiyay dad badan, waxaana haweenkan la dilay oo wada dhashay labo kamid ahaayeen xaamilo shaqo nadaafad ugu xamaali jiray caruurtooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -