Jubbaland oo ka hadashay Shirka uu Madaxweyne Farmaajo shalay ku baaqay

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku baaqay shir kale ay isugu imaanayaan Madaxdadowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaa oo ka dhacaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in shirkan qabsoomidiisa markii horaba dalbadeen maamulada Jubbalabd iyo Puntland, waxa uuna tilmaamay in shirkan maamul ahaan soo dhaweenayaan.

Waxa uu sheegay wasiirka in Madaxweyne Farmaajo uu muddo badan ka caga jiidayay in uu shirkaasi dhaco, isla markaana waqtigii loogu talo galay uu kasoo dib dhacay, hayeeshee ay dhankooda shirka ka qeyb-galayaan.

Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo ku cadaadisay qabashada shirkan oo looga arinsanayo doorashada Soomaaliya oo lagu wado in beri ka furmo magaalada Dhuusomareeb uuna socdo mudo sadex maalin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -