Madaxweyne Deni oo eedeymo kulul u jeediyey shirkado ka howlgala Puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag u dhaliilay Shirkadaha Korontada iyo Biyaha magaalooyinka Puntland, kuwaasoo ku eedeeyay inay faa’iido xad dhaaf ah ka raadiyaan Bulshada.

Deni ayaa hadalkan ka sheegay daah-furka Shirweynaha saddexaad ee Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland kaasoo manta ka furmay Garoowe.

Waxaa uu sheegay in dowladdu ka war-hayso qiimaha saa’idka ah ee Shirkadaha Korontada iyo Biyahu ay ka qaadaan Bulshada, taasoo ku tilmaamay mid aan suurta-gel ahayn oo u baahan in wax la iska weydiiyo.

“Shidaalkii qiimihiisu waa jaban yahay balse nasiib daro ah korontada iyo biyaha wax saameyn ah kuma yeelan, arrintaas waa mid aan la aqbali Karin” ayuu yiri madaxweyne Deni

Madaxweynuhu, wuxu sheegay in Puntland u ay waddo Qorshe cusub oo koronto Raqiis ah lagu keenayo magaalada Boosaaso, si looga baxo korontada Qaaliga ah, haddana aan ku filnayn xaafadaha kala duwan ee Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -