Maamulka G/Banaadir oo soo saaray amar shaqo joojin ah & baaritaan bilaabanaya

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar shaqo joojin ah oo ku socda waaxda guud ee dhulalka u qaabilsan maamulka gobolka, kadib markii uu soo galay tuhun la xariira wax is daba marin, cabasho baddana laga gudbiyey.

Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameyn doono waax kasta oo ka mid ah, waaxyaha ku shaqada leh dhulalka ee dowladda Hoose ee Xamar.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta u akhriyay qoraalkan ayaa sheegay in Duqa Muqdisho uu Waaxda dhulka ee Dowladda Hoose ku amray in gabi ahaanba la joojiyo dhaq-dhaqaaqyada la xariira dhulalka, isla markaana la magacaabi doono guddi soo baara cabashooyinka dadweynaha.

Amarkan shaqada looga joojiyey waaxda guud ee dhulalka u qaabilsan maamulka gobolka Banaadir, waxuu imaanayaa iyadoo ay sii kordheen is qabqabsiga iyo dacwadaha la xariira dhulalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -