Maxaa ka jira in dowlada Somalia fasaxday in dalka la keeno Qaadkii Kenya?

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shaaca ka qaaday in wixii hadda ka dambeeya ganacsatadu ay Qaadka kala soo degi karaan meel kata oo ay doonaan.

Hadalka Wasiirka ayaa jawaab u ahaa eedeyn ka soo yeertay qaar ka mid ah ganacsatada Qaadka oo sheegeysay in DF ay ka ganacsiga Qaadka u xirtay ganacsato gaar ah.

“Waxaa cadeynayaa in Qaadka uusan cidna u xirneen oo meel walba oo dalka laga soo galin karo haddii waddo sharci ah loo soo maro” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa intaas uu ku daray in ganacsatada looga baahan yahay inay sifo sharci ah dalka kusoo galiyaan Qaadka.

“Ganacsatada waa inay ka qaataan dowlada fasax ah soo dejinta qaadka ayna meel walba oo dalka ka soo dejin karaan haddii ay qaataan fasaxa ayna bixiyaan lacagaha canshuurta ku waajibtey” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Xukuumada Somalia ayaa horey dalka uga mamnuucday in dalka la keeno Qaadka Kenya, iyadoo Qaadka hadda laga isticmaalo dalka laga keeno Itoobiya,.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -