Nooca cusub ee cudurka Coronavirus oo caalamka ku sii fidaya & walaac laga muujiyey

Nooca cusub ee Virus-ka Corona ee dabayaaqadii sanadkii 2020-kii lagu arkay dalka Britain ayaa ku sii fidaya dunida sida ay sheegtay heyadda caafimaadka adduunka ee WHO.

Wadamada ku yaalla qaaradda Yurub ayaa dedaal xoogan ugu jira sidii ay uga hortagi lahaayeen faafitaanka noocan cusub ee Virus-ka, iyadoo muddo sanad ah lala tacaalayay COVID-19.

Norway ayaa lagu soo rogay xayiraado adag oo si gaar ah u samaynaya magaalada Oslo ee caasiamdda ah iyo sagaal degmo oo kale kadib markii ay dhawr qof ugu dhinteen xanuunka, in ka badan 20 qofna uu soo ritay noocan cusub ee Virus-ka.

Wadamada Sweden iyo Finland ayaa iyaguna xuduudahooda adkeeyay, islamarkaana soo rogay sharciyo cusub oo dhinaca guryaha ah.

Nooca cusub ee Virus-ka Corona ayaa walaac badan ku haya caalamka, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku faafo dalal kale, ayna adkaato in wax laga qabto, maadaama uusan dawo laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -