Yaa ku horeeya natiijada tirinta codadka doorashadii ka dhacday dalka Ugandha?

Sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah ee uu saaka shaaciyay guddiga doorashada Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku horreeya codadka la tiriyay ee doorashada madaxtinnimo ee shalay ka dhacday dalkaas.

Mr Museveni ayaa helay 1,536,205 codad ah (65.02%), halka ninka ay is hayaan ee Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine, uu heysto 647,146 codad ah (27.39%) kuwaasoo laga soo ururiyay ila 8,310 oo goobaha codbixinta ah, iyadoo Goobaha codbixinta ay gaarayaan 34, 684.

Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa goor sii horreysay xaqiijiyay in natiijada doorashada loo diri doono xarunta tirinta codadka iyadoo intenet-ka laga demiyay dalkaas.

Madaxa guddiga Simon Byabakama, ayaa sheegay inay adeegsanayaan hannaan gudaha ah oo lagu gudbinayo natiijada.

“Ma isticmaaleyno internet-ka gudaha inaan ku gudbinno natiijada. Waxaan adeegsaneynaa hannaankeenna gaarka ah. Ha walwalina, natiijada waa la heli doonaa iyadoo uu intenet-ku xiran yahay.” ayuu yiri Madaxa guddiga Simon Byabakama.

Dhinaca kale, waxaa laga cabsi qabaa in dalka ugandha ay ka dhacaan rabshado ay dhigayaan taageerayaasha mucaaradka, marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada oo sida muuqata uu ku guuleysan doono Musaveni oo dalkaas soo maamulayey 35 sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -